WAR DEG DEG AH+SAWIRO:- Maxaadan ogeyn oo hada ka socda Muqdisho?..

0

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Muqdisho,halkaas oo ay ka wadaan banaanbax lagaga soo horjeedo Kenya.

Banaanbaxayaasha ayaa wata boorar ay ku xardhanyihiin halallo kala duwan oo ay ka midyihiin “Baddeenna waa awooddeenna”,waxaana la filayaa Banaanbaxaasi in ay ka hadlaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dadka hadda ku sugan waxaa ka mid ah Guddoomiye xigeenka amniga Gobolka Banaadir Max’ed Axmed Diiriye,iyada oo ay sidoo kale ballansan yihiin madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la filayo in ay halkaasi ka jeediyaan.

Dacwadda Badda ee Kenya iyo Dalkeenna ayaa ka socota Magaalada The Hague ee Dalka Holland,waxaana ay gashay maalintii 3aad iyada oo maanta la dhegeysanayo doodda 2aad ee Kenya.

Hoos ka Daawo Sawiro laga soo qaaday:-

14370102_958133857631556_5839823386796059086_n-1 14370102_958133857631556_5839823386796059086_n 14441060_958133787631563_169004203436266487_n 14441156_958133817631560_5964209607680952984_n