AKHRISO: Musharax Xasan Sheekh Waa Kaligii Taliye Aan Tabar Lahayn.

0

Akhristoow intaad dunida joogto maalinba waxaad arkayaa nooc aadanaha kamid ah oo kaa yaabiya, maantana midan ila arka, Musharax Xasan Sheekh oo adeegsanaya maareeyaha garoonka Aden Cade ayaa waxa uu Mareeyhaas soo saaray warqad uu mudo lixdan maalmood ah looga mamnuucayo suxufiyiinta, TV-YADA iyo Idaacadaha inay gudaha u gali karin Garoonka Aden Cade.

Waxaa maanta muuqata oo marqaati ma doonto ah in Musharax Xasan Sheekh uu hadda Isbaaro dhigtay Garoonka Aden Cade si aan bulshada Soomaaliyeed loogu baahin wararka musharaxiinta la tartarmaya iyo qaabka loogu soo dhaweeyo magaalada Mqudisho.

Musharax Xasan Sheekh ayaa waxaa muuqata inuu yahay nin aan u bisleyn Siyaasada ama leh dulqaad uu ku xamilo Wararka Musharaxiinta la tartamaya in Warbaahinta gudaha u tabinayaa bulshoweynta Soomaaliyeed.

Waxaa la oran karaa oo kaliya waa Musharax Xasa Sheekh maxamuud inuu yahay Kaligii Taliye AanTabar Lahayn, maadaamada iyadoon aan la gaarin xiligii kala baxa uu durba bilaabay inuu qalqalo ama uu Isbaaro u dhigto musharixiinta la tartamaya.

Sidoo kale waxaa Magaalada Muqdisho kusoo wajahan Musharixiin badan oo uu ugu soo horeeyo Madaxweynihii Dowladda KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu wadaa inuu beri kasoo dago Garoonka Diyaaradaha Aden Cade, balse sida muuqataa waxaa lagu soo dhaweenayaa isaga iyo dhamaan musharixiinta kale miiska hoostiisa maadaama Buslhada Soomaaliyeed aysan toos u daawan karin imaatinkooda magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo Xasan Sheekh ayaa inbadan waxa uu afkiisa ka gooyn waayay dowladdii Kacaanka ee gees ilaa ka gees xukuntay Soomaaliya, kana midka ahayd awoodihii ugu waa weynaa ee ka jiray geeska Afrika iyo guud ahaanba Afrika in ay ahayd Dowladd Kaligii Talis, haddaba waa su’aalle Musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Boondheere ay mariyaan gaadiidka AMISOM meel kale oo uu aado isakaba daa’e maxaan ku tilmaami karnaa hab-dhaqankiisa? soose ma haboona mana mudna inaan ugu yeerno magaciisa dhabta ah ee ah Kaligii Taliyaha Aan Tabarta Lahayn.

Bal Akhriso Warqada

warqad-garoon