WAR DEG DEG:- Xasan Sheekh,Cumar Cabdi Rashiid iyo Wafuud Kala duwan oo ay ka mid yihiin 135-ta Oday ee baarlamaanka Soo xulaya oo Puntland ku wajahan.

0

Wafuud kala duwan oo iskugu jirta Madaxda Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya sida Madaxwaynaha xilligiisu dhammaaday Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, wafdiyo ka socda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo 135-ta ee Soo xulaya aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga bilaabo maanta oo Talaado ah soo gaari doona Puntland gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee Garoowe.

Ujeedka isku imaatinkaan Garoowe ayaa la xiriira tababar ku saabsan doorashada Soomaaliya ee December loo ballansan yahay iyo soo xulista xubnaha baarlamaanka oo qorshuhu yahay in la dhammaystiro 25-ka bishaan September, waxaana tababarkaan dhinacyada Puntland imaandoona u qabanaysa beesha caalamka.

135-ta Oday ee beelaha Soomaaliyeed ka kooban ayay u bilaabanaysaa shaqo xoog leh oo la doonayo in lagu dhammeeyo ka hor 25-ka bishaan September oo laga rabo inay soo diyaariyaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, halka dhinaca kale madaxda dawladda federaalka ah iyo kuwa Maamul goboleedyada ay u bilaabanayso shaqo iyana xoog leh oo ah inay ku diyaariyaan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka muddo kooban.

Sidoo kale isku imaatinka Garoowe ayaa la filayaa in dhinacyada kulmaya iyo beesha caalamku ay uga faa’iidaystaan ku dhaqanka jadwalka Doorashada 2016-ka maadaama waqtigu aad u kooban yahay.
Ugu dambayntii madaxda Dawladda Puntland ayaa isku diyaarinaysa soo dhawaynta masuuliyiinta wafuudda kala duwan ee Garoowe ku soo wajahan Maanta iyo biri, haddii alle idmo.