WAR DEG DEG:- Puntland oo xukun ku riday 54 ka mid ah Shabaabkii lagu qabtay deeganada Puntland

0

Maamulka Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday 54 ka mid ah dhalinyaradii ka tirsaneyd Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay dagaaladii Shabaab ay ku qaaden Gobolka Mudug iyo Gobolka Nugaal ee Puntland.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta oo Talaado ah u fariisatay xukunkaan lagu riday xubnahaan Shabaabka ka tirsan ee ku xirnaa Xabsiga Magaalada Garowe.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasan Firdhiye ayaa saxaafada u sheegay in la xukumay 28 ka mid ah Shabaabkii da,doodu u dhaxeysay 18 jir iyo 15, kuwaas oo lagu riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa iyo 20 sano oo xarig ah.

Firdhiye wuxuu sidoo kale sheegay in qaarka soo haray oo ay dadoodu u dhaxeyso 15 ilaa iyo 10 sano jir islamarkaana tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celis lagu sameeyo.

Dhalinyaradan kuwa dhaqancelinta lagu xukumay ayaa ah kuwa da’dooda aad u yar tahay oo uusan qaban karin Xukunka Maxkamada Millateriga sida uu qabo Xeerka ciqaabta Somaliyed.

Maamulka Puntland ayaa horay xukun ugu riday 43 ka mid ahaa ragga Shabaabka ee lagu qabtay dagaalada aaga Toga Suuj iyo Garmaale ee Gobolka Nugaal.

Al Shabaab ayaa dagaalada iyo dilalka qorsheysan u adeegsada dhalinyarada da’dooda ay yar tahay  ee sida qaldan ay uga dhaadhiciyaan fekerka ku aadan dagaalada ay Somaliya ka wadaan.