WAR DEG DEG:- Nabad sugida iyo Booliska Soomaaliya oo Dagaal uu ku dhex maray Muqdisho,Dhimasho iyo dhaawac….

0

Wararka naga soo gaaray Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Nabad sugid iyo sidoo kale Booliska Soomaaliyeed uu halkaasi ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay 1 askari oo ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhintay 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray.

Dadka goobjoogaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in uu iska hor imaadka uu socday muddo ku dhow 30 daqiiqo.

Wali lama oga sababta ka dambeysay iska hor imaadka dhexmaray ciidamada Nabad suggida iyo sidoo kale Booliska Soomaaliyeed.