WAR DEG DEG:- Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta mar kale bilaabatay

0

Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ayaa biloowday dhageysiga Dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya , waxaana Maanta jawaabaysa dowladda Soomaaliya.

Qareenada u doodaya dowladda Kenya ayaa shalay maxkamadda ICJ ka hor jeediyay is difaacidooda ku aadan in ay leedahay qeybo ka mid ah badda Soomaaliya dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta looga fadhiya in ay ka jawaabto hadaladii ay dowladda Kenya ay shalay soo jeedisay , waxaana hadda hadlaaya qaar ka mid ah qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya.

Madaxweynah Soomaaliya ayaa sheegay  in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Soomaaliya ay qaadato dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.