TOP:- Muxuu yahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug

0

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Galmudug Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye  ayaa sheegay in heshiiskan uu kala qeexayo waxyaabaha Galmudug awoodda u leedahay iyo sidoo kale waxa dowladda laga doonayo.

Guureeye ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiskan ay waxbadan ka faa’idi doonaan dhammaan ardayda ku sugan deegaannada Galmudug.

Wasiirka ayaa shaaciyay in heerka waxbarasho ee deegaanada Galmudug hada ay meel fiican mareyso ka wasaarad ahaana ay sii tayeynayaan iyagoo la kashana dowlada Soomaaliya.

“Waa heshiis aad u wanaagsan, waxaan isla garannay tayeeynta waxbarashada, sidoo kale waxaan kala ogaannay waxa annaga xaqa u leenahay iyo sidoo kale waxa dowladda Federaalka laga doonayo, guud ahaan shacabka Galmudug waxaan leeyahay heshiiskan waa guul weyn” ayuu yiri wasiir Guureeye.

Deegaannada Galmudug waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socotey dadaallo lagu hormarinayo waxbarashada asaasiga ah ee deegaannada  maamulkaasi ka arrimiyo.