TOP:- Guddiga Xudduudaha ee Federaalka oo Puntland u sharraxay qaabka loo xallinayo sohdimaha Gobollada

0

Magaalada Garoowe waxaa laba maalmood kusugnaa guddiga xuduudda ee dawladda Soomaaliya kuwaasoo u kuur galayay xaaladaha xudduudaha iyo sida ugu sahlan ee hawshooda ay u gudan karaan.

Guddoomiyaha guddigaasi ee heer Federaal  Khaliif Cabdikariim Maxamuud iyo xubno la socda ayaa kulamo la qaatay madaxda wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo ay si xooggan uga wada hadleen xudduudaynta .

Guddigan ayaa sidoo kale soo maray dawlad goboleedyo kale oo dalka ka jira si ay arimahaasi ugala soo xaajoodaan.

Ujeedka safarka guddigan ayuu guddoomiye C/kariin ku sheegay xog aruurin,u kuur galid, iyo qiimayn lagu samaynayo xudduudaha gobollada Soomaaliya.

Marka ay waraysiyada iyo xog aruurinta soo gabo gabeeyaan ayay warbixintooda oo dhammaystiran horgayn doonaan baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba mar la waydiiyay sida ay u xallinayaan xaaladaha cakiran ee xuduudaha ayuu garwaaqsaday in ay jiraan muran xuduudood oo ka jira dalka Soomaaliya kuwaasoo u baahan In si taxaddar leh loo galo.

Guddiga ayuu sheegay inay meelaha xasaasiyadda ka jirto loo furi doono dib u heshiisiin, iyo walaalayn isla markaana ay ayagu aayohooda go’aan ka gaari doonaan.

Dhanka kale wuuxuu xusay in siyaasad deggen iyo wada hadal uu sal u noqon doono xallinta deegaannada lagu muransan yahay.