TOP DHAGEYSO:- Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland oo ku dhawaaqaya Xukunka lagu riday Dagaalyahanada Al-Shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ay goor dhaweyd xukun ku ridey qaar kamid ah dagaalamayaashii Al- Shabaab ee lagu soo qabtay dagaaladii March ka dhacay gobalada Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye ayaa saxaafada u sheegay in la xukumay 28 kamid ah Shabaabkii da’ahaana jiray  18 ilaa 15 sanno, kuwaas oo lagu riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa iyo 20 sano oo xarig ah.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in kuwa soo haray oo ay da’ahaan jira inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 10 sano jir islamarkaana tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celis lagu sameeyo, ayna kusugayaan Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Maxkamadda La dagaalanka Argagixisada ayaa horey dil ugu xukuntay 43 dagaalame oo katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab, waxaana la geeyey magaalada Boosaaso halkaas oo ay racfaan ku qaateen ka dibna markale loo fariisan doono Xukunkooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO