TOP DHAGEYSO:- Maxaaa laga filaya Maanta inay soo bandhigto Dowlada Soomaaliya Kiiska Dacwada ee kala dhaxeeya Kenya ?

0

Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta lagu wado in ay dowladda Kenya in ay siiso jawaab ku aadan muranka badda ee ka dhaxeeya labada dal.

Qareenada u doodaya dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay hadallo ay kasoo jeediyaan Maxkamada Maanta.

Dowladda Kenya ayaa shalay sheegtay in maxkamadda Caalamiga ee ICJ aysan qaadi karin dacwada badda ee u dhaxeysa dowladda Kenya iyo sidoo kale Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya Qareenada u doodaya ayaa maanta lagu wado in ay maxkamada kasoo jeediyaan hadallo ku aadan muranka Badda ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Kenya.

Xeerilaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay maanta ka jawaabayso diidmada qayaxan ee ay soo jeedisay dowladda Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO