TOP DHAGEYSO:- Maxaa ka cusub Shirka Maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay ku heshiiyeen tirada kuraasta Guud ee Baarlamaanka maamulkaas uu yeelanayo.

Ergada ka qeyb galeysa Shirka ka socda Magaalada Jowhar ayaa ku heshiiyay tirada kuraasta Guud ee Baarlamaanka maamulkaas uu yeelanayo in ay noqoto 71 xubnood.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa isku afgartay sida Beelaha ku nool Deegaanada Labada Gobol ay u kala qeybsanayaan Kuraasta.

Magaalada Jowha ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa maanta gelinki dambe ee maanta saxaafada kula hadlay Xubno kala matalayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, IGAD oo qeyb ka ah dhismaha Maamulka labada Gobal iyo Odayaasha dhaqanka labada Gobal ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HALKAAN KA DHAGEYSO