TOP DHAGEYSO:- Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya oo war cusub soo saaray

0

Guddoomiyaha Guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya Cumar Dhageey ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddiga amniga doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga Wada shaqeeyo sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sacabka loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiga amniga ee doorashada isla markaana ay ka war hayaan xaalada guud ee doobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in ay guddigooda rajeynayaan in si amni iyo xasilooni ah ay ku soo dhamaato doorashooyinka la filayo iney bilaha soo socda ka dhacaan Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO