TOP DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Maalinta ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

0

Iyadoo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday xilliga la dooranaya madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in 3 bisha soo socota lagu wado in la doorto Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sidoo kale xusay in Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe looga baahan yahay in ay dar dar geliyaan howlaha xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo maamulka Cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka furay magaalada Jowhar wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale shir waxaa uu kaga socda magaalada Baledweyne kaa soo looga soo horjeedo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uusan quseyn shacabka kunool gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHHAGEYSO