Kenyaan ka cabanaya Weeraro Al-Shabaab joogta kaga yimaada

0

Maamulka Magaalada Mandeera ee Dalka Kenya ayaa ka walaacsan in Al Shabaab ay weerar ku qaadaan qeybo mid ah halkaasi, maalmo un kadib markii Al Shabaab ay Dagaal kula wareegeen Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Mandeera ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka Degaano dhowr ah oo hoostaga Mandera aad loo adkeeyay maadaama ay heleen xog ku aadan Dagaal yahano ka mid ah Al Shabaab ay damacsan yihiin Weeraro ka dhan ah Magaalada Mandeera.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Xarakaada Al Shabaab ay isticmaalayaan Gaadiid Dagaal iyo darees Ciidan oo dhawaan ay ka qabsadeen Xoogaga Dowladda Kenya.

Guddoomiye Fredrick Shisia ayaa xusay in baqdinta ay qabaan ay timid kadib markii Dagaal yahano ka mid ah Al Shabaab ay cagta mariyeen Saldhigyo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Ceelwaaq oo ku dhow Xadka Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

“waxaan xoojinayay ammaanka Degaanada hoos yimaada Magaalada Mandeera, si aan uga hortagno weerarada ay qorsheynayaan Xarakada Al Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Maamulka Degmada Mandeera.

Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ayaa la aamisan yahay in Weerarkii ay kula wareegeen Magaalada Ceelwaaq ay u adeegsadeen Gaadiid iyo darees militari oo ay ku qabsadeen Weerarkii Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Xoogaga Al Shabaab ayaa isaga baxay saacado un kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta Maamulka Degmada Ceelwaaq, iyadoona Ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugnaa ay u dhaqaaqeen dhanka Xuduudka Kenya, maadaama Dagaalkii ka dhacay Jimcihii la soo dhaafay looga awood roonaaday.

Dhinaca kale, Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda Kenya ayaa la soo dhoobay Xadka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si loo wiiqo Weerarada Al Shabaab oo la sheego in inta badan ay ka soo qaadaan gudaha Soomaaliya.

Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Dalka Kenya ayaa waxaa dhacay Weeraro uu dhiig badan ku daatay, iyadoona xusid mudantahay in mas’uuliyada Weeraradaasi ay dhabarka u riteen Xarakada Al Shabaab.