Kenya oo Difaacday Qorshaha ay ku xireyso Xeryaha Dhadhaab

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa mar kale si weyn u difaacay qorshaha Dowladiisa ay Al baabada isugu laabeyso Xerada ugu weyn Qaxooga Caalamka ee Dhadhaab.

Mr Ruto oo ka hadlayey Magaalada New York oo uu ugu qayb galayey kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Hogaamiyayaasha Caalamka ku dhaliilay in aysan Kenya ka taageerin wax ka qabashada qaxootiga faraha badan ee ku jira xeryaha Dhadhaab.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa mar kale ku celiyay in Qaxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab ay halis weyn ku yihiin Ammaanka Kenya isagoo xusay in ay jiraan Dad Hub iyo waxyaabo Kontorobaan ah soo geliyo Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

William Ruto ayaa tilmaamay in xeryaha dhadhaab ay hooy u noqtay kooxaha argagixisada ahaa isagoo xusay in ay halkaasi isu badashay goob lagu tababaro dagaalyahano ka tirsan alshabaab isla markaana laga qorsheeyo weeraro lagu qaado qaybo ka mid dalka Kenya.

Mr Ruto ayaa tusaale usoo qaatay in weerarkii Al Shabaab  ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarissa Sanadkii 2015 oo lagu dilay 150 ruux laga soo abaabulay xeryaha Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa iyo sanadkii 2014kii ay Soomaaliya dib ugu noqdeen 24,000 kun oo ka mid ah Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah dalalka beesha Caalamka ayaa Kenya ku dhaliilay talaabada ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab Bisha November ee Sanadkaan.