Diyaaradaha dagaalka ee dawladda Suuriya oo garaacay Xalab

0

Dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ayaa billaabay inay duqeeyaan magaalada Xalab, in yar ka dib markii milaterigu uu ku dhawaaqay in xabbad joojintii todobaadka socotay ay dhamaatay. Dad u dooda arrimaha Suuriya ayaa sheegay in tiro dad ah lagu dilay ama lagu dhaawacay duqaynta cirka ee lala eegtay degmooyinka ay fallaagadu haystaan ee Xalab iyo tuulooyin u dhow.

Waxay kaloo sheegeen gawaari gargaar siday oo joogay meel magaalada u dhow ay duqayntu haleeshay. Gawaarida oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan laanqayrta cas ee Suuriya ayaa la duqeeyey ayagoo gargaar ka yimid Qaramada Midoobay u siday deegaan durugsan oo la yiraahdo Urm al-Khubra.

Milateriga Suuriya iyo fallaagada ayaa midba midka kale wuxuu ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xabbad joojinta. Maraykanka ayaa sheegaya inuu ka shaqaynayo sidii heshiiska loo sii dheereyn lahaa, kaasoo ay wadajir uga soo shaqeeyeen isaga iyo Ruushka, wuxuuna ugu baaqay Moscow inay caddayso mowqifka ay ka taagan tahay hadalka Suuriya.