DHAGEYSO:- Xaalad qatar ah oo laga soo sheegayo Deegaanka ceelguula

0

Gudoomiyaha ceelguula cali baashi macalin oo la hadlay maanta warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in deegaano ka mid ah degamadasi xilligaani ay ka jirto abaaro iyo biya l’aan xoogan oo sameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada kadib markii ay guren baraagadii iyo ceelashii ay isticmaali jireen dadkaasi.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadka reer meyga ah ay bilaabeen in ay ka soo barakacaan deeganadood islamrkana ay soo gaareen ceelguula.

Isagoo hadalkiisa sii wata gudoomiyaha ayaa waxaa uu ku eedeyay maamulka galmudug in ay ka gaabiyeen caawinta qoysaska danyarta ah ee ku nool halkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO