DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo saaray War ka careysiinaya Musharax Xasan Sheekh

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan uusan quseyn shirka maamulka u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyahay ayaa sheegay in aysan jirin wax ay ku heshiiyeen dadka kunool Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan aysan aqbali doonin ay la midoobaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in siyaasada gobolka Hiiraan wax laga waydiiyo maamulka Hiiraan iyo sidoo kale waxgaradka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka furay magaalada Jowhar wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale shir waxaa uu kaga socda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaa soo looga soo horjeedo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

HALKAAN KA DHAGEYSO