DAAWO: Shaki Xoogan Oo Ka Jira Cida Hageysay Qaraxii Lagu Dilay Gen. Goobaale.

0

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano culus ku wada sidii uu u dhacay Qaraxii lagu dilay Marxuum Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) ,waxaana durbadiiba soo ifbaxaya in ugu yaraan la hagayay ruuxii ismiidaamiyaha ahaa ee qaraxa fuliyay.

Waxaa aad u adag in Ruuxa qaraxa fuliyay uu ogaado goorta ama halka uu wadada ka soo marayo gaariga Cabdi Bilaha ahaa ee uu la socday Marxuum Goobaale taas oo shaki weyn ku beertay dhamaan laamaha Amniga dowlada Soomaaliyeed .

Marxuum Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) ayaa inta badan waxaa la socon jirtay Tikniko iyo ciidamo badan sida aan xogta ku helnay, balse xiligii la weerarayay shalay ayaa waxaa la socday kaliyah hal Gaari oo Tikniko ah.

Waxaa iska cad in qorshaha dilka Marxuum Goobaale ay mudo dheer soo diyaarinayeen ururka Al Shabaab ayna heleen gacan ku caawisa ama la socoto dhaq dhaqaaqa Marxuumka .

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu ahaa Saraakiishii ka dambeeysay inay ururka Al Shabaab maalin cad iskaga baxaan magaalada Muqdisho kaas oo ugu dambeeyntii uga daba dagay gobole kale gaar ahaan gobolka Shabeelada hoose iyo degmooyinka hoos taga .

 

 

HOOS KA DAAWO