DAAWO:- Odayaasha iyo Waxgaradka Buhoodle oo Fariin u diray Madaxweynaha Puntland

0

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Cayn ayaa shir ay isugu yimaadeen ugu baaqay Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu soo fara-galiyo sidii wax looga bedeli lahaa xubinta beelaha Gobolada SSC ugu jirta Guddiga Doorashada Dadban heer dowlad Goboleed ee loo soo magacaabay Puntland.

Xubinta Odoyaashu ku baaqeen in la bedelo ayaa la yiraahdaa Siyaad Xuseen Cumar oo ay sheegeen Odoyaasha ku shiray magaalada Buuhoodle in aanu matalin bulshada ku nool deegaankaas.

Odoyaashan ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas inuu kala shaqeeyo sidii deg deg looga saari lahaa xubintan guddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlada Goboleed .

HALKAAN KA DAAWO