Xildhibaan Xoosh Jibriil “ Waan ka Xumahay in Awood loo sheegto Shacabka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe “

0

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, horayna u soo noqday Wasiirkii Dastuurka Dowladii KMG aheyd, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliya iyo IGAD inay juujuubayaan Bulshada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Xoosh Jabriil, ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada Somaliya inay wado sidii loo de dejin lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, iyadoo aanan la siinin door fiican dadka kaalinta ku leh arintaasi.

Wuxuu ku eedeeyay inaan lagala tashan howlaha hada socda Odayaasha Dhaqanka Beelaha, islamarkaana Dowladda aysan eegeyn inay qanciso Odayaashaasi.

“Meesha kaliya ee aan dhibaato u arko waa Hiiraan iyo Shabellaha dhexe oo aan u arko in lagu deg degay siiba madaxtooyada,  xal ayaa mar hore laga gaari lahaa haddii ummadda meesha degan ra’yigooda la dhageysan lahaa siiba odayaal dhaqameedyada uu ugu horreeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Laakiin markii lala galay loolan siyaasadeed  dhaqanka arrintii waa dhabaqday oo hadda waan u jeednaa oo carqaladdaa soo dheeraatay sidaas ayaa keentay, hadana wali waa la isku haystaa oo madaxtooyada iyo IGAD waxay rabaan iney juujuub wax ku sameeyaan, goboladaasina gobollo juujuub u bartay maaha waa dad dhibaatooyin badan soo maray.” Ayuu yiri Xoosh Jabriil.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay Xasan Sheekh Maxamuud oo hada shaki badan uu ka jiro awooda uu u leeyahay Madaxweyninimada, maadaama waqtigiisa uu dhamaaday uu ku howlan yahay dhismaha Maamulkaasi, taasina wuxuu ku tilmaamay mid aanan macquul aheyn.

“Qof sharci u haysta inuu Madaxweyne yahay oo fulin sameyn kara ayaa howlaha ku dhaqaaqi karo, laakiin qof isagiiba la leeyahay Madaxweyne ma tihid ee waad sheeganaysaa inuu yiraahdo arrin maqaamkaas leh oo weyn ayaan ka shaqeynayaa wax macquul ah maaha wakhtigan.”

Madaxweynaha Somaliya ayaa Khamiistii tagay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo uu kula shiray Odayaasha Dhaqanka, isaga oo ka dalbaday inay u istaagaan Odayaasha dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh.dhexe.