Top News: Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay.

0

Mogadishu, 17 September 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe & Hiiraan furay, Madasha Hoggaanka Qaran oo Warmurtiyeed soo saaray, Mashruuca Xasilinta Dalka oo lagu daahfuray Muqdisho, Horjooge Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka Ceelgaras, Shir Madaxeedka IGAD oo Muqdisho lagu qabtay, Istraatejiyada Qaranka ee Ka hortaga iyo La dagaalanka Fikirka Xagjirka oo Muqdisho lagu daahfuray, 43 Saraakiil Boolis ah oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda, Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo goobo waxbarasho laga hirgeliyey iyo Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Jabuuti.

Madaxweynaha oo Shirka Maamul u sameynta Sh/Dhexe & Hiiraan furay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15kii September 2016 magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu si rasmi ah mar kale ugu furey shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo inta badan odayaasha labada gobol ee maamulka loo sameynaayo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada ee Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe, qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa munaasabada hadalo ka jeediya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay ahmiyadda uu leeyahay in la helo maamul ay ku mideysan yihiin labadan gobol, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo isla markaana la is kaashado. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka ee labada gobol looga baahan yahay in ay mas’uuliyad isa saaraan isla markaana aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.

Madasha Hoggaanka Qaran oo Warmurtiyeed soo saaray

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 06 – 14 Seteember 2016. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Muxammad Sh. Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed. Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

Akhriso War-murtiyeedka shirki madasha ee maanta lagu soo gebagebeeyay Muqdisho

Mashruuca Xasilinta Dalka oo lagu daahfuray Muqdisho

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya iyo Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya ayaa 14kii September 2016 waxay Muqdisho ku daah-fureen Mashruuca Xasilinta Dalka oo ka mid ah mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ay ugu tala gashay horumarinta dalka. Danjire ku xigeenka Safaaradda Dowladda Norwey ee Soomaaliya Mr Vebjorn Heines ayaa sheegay in ujeedada Mashruucan uu yahay in Norway ay ka qeyb qaadato Dib u heshiisinta, nabada, Xasiloonida iyo horumarka Dalka Soomaaliya, iyo in dhalinyarada loo abuuro shaqooyin. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in mashruucaan uu ka mid yahay mashaariicda ugu waa weyn ee dalka laga hir-geliyay, sheegeyna inuu waafaqsanyahay Qorshaha Qaranka ee sedaxda sano soo socoto isagoo ugu mahad celiyay dowlada norwey sida ay ugula shqeysay mashrucuaan fulintiisa.

Horjooge Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka Ceelgaras

Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Ceelgaras oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Horjoogaha la dilay oo lagu magacaabo Faarax Cali Raage ayaa waxaa dilay rag ka carooday madax furasho uu horjoogahani ka qaatay wiil dhalinyaro ah oo ka tirsan dadka deegaanka kaasoo in muddo ah uu afduub u heystay. Sidoo kale horjoogahan la dilay ayaa muddo Afar sano ah maamulayay deegaanka Ceelgaras, isagoo si xun ula dhaqmay dadka deegaanka, islamarkaana u geystay tacaddiyo iyo xad gudubyo ka dhan ah diinta islaamka. Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelgaras ayaa si weyn uga carooday xad gudubyada uu horjoogahaasi ku hayay afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo dilka horjoogahani ay muujineyso sida dadka ku nool deegaannada ay weli ku harsanyihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qaati uga taaganyihiin awaamiirta faraha badan oo ay ku soo rogeen.

Shir Madaxeedka IGAD oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho ayaa 13kii September 2016 waxaa lagu qabtay Shir Madaxeedkii 28aad ee IGAD. Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda Sudan iyo Koofurta Sudan. Ajandaha shirka waxaa ka mid ahaa xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doono iyo xaalada Koofurta Sudan. War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa lagu xaqiijiyay Midnimada Soomaaliya, iyadoo lagu taageeray doorashada dadban ee dhowaan ka dhaceysa dalka. Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyay horumarada ay sameysay dowladda Somalia, iyagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Shirkan ayaa ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1986.

Istraatejiyada Qaranka ee Ka hortaga iyo La dagaalanka Fkirka Xagjirka oo Muqdisho lagu daahfuray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 12kii September 2016 magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu Daah-furey Qorshaha & Istiraatiijiyada Qaranka ee ka hor tagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah ee drabshadaha wata (CVE) isla markaana loogu magac daray Tuta Toosan. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ah Xiriiriyaha CVE ayaa sheegay in qorshahan iyo Istraatejiyada la soo waday 10 kii bilood ee la soo dhaafay loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya hadda leedahay qorshe iyo Istraatejiyad Qaran oo ah ka hortagga iyo la dagaalanka falalka xagjirka ah taas oo keeni doona in la yareeyo fikirka xagjirka, argagaxisada iyo saameyntiisa. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyay xildibaan Mustaf Dhuxulow iyo Engineer Yariisow oo barnaamijkan ka wada shaqeeyay, Madaxweynaha ayaa sidoo kale, waxaa uu sheegay in qorshahan uu wax badan ka tari doona adkeynta amniga qaranka.

43 Saraakiil Boolis ah oo tababar loogu soo xiray dalka Uganda

Dugsi ciidan oo ku yaala dalka Uganda ayaa 10kii September 2016 tababar loogu soo xiray 43 ka tirsan booliiska Soomaaliya kuwaasoo loo soo gebagebeeyay tabbabar leyli Sarkaalnimo, waxaana muaasabadi xiritaanka tababarkaasi ka qeybgalay Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo sarakiil kale. Ciidanka booliska ee tabbabarka loo soo xiray ayaa goobta ku soo bandhigay dhoola tus ciidan oo ku aadan waxyaabaha la baray oo ay ugu horeyso gaaddo ka ciyaar cajiib ah, iyadoo si gaar ah uu indhaha madaxdaasi u soo jiitay sida cajiibka ah ee uu salaanta u bixinayay askarigii horkacayay ciidamadaasi kaasoo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi.

Maxaabiista Xabsiga Dhexe oo goobo waxbarasho laga hirgeliyey

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa laga hirgeliyey iskuulo maxaabiista wax lagu baro iyadoo xabsiga ku xiran-yihiin maxaabiis aad u fara badan oo loo heysto Dambiyo kala duwan iyadoo mudooyinkii dambe xabisga laga dareemayey isbadal weyn oo dhanka horumarka ah, iyadoo Xabsiga laga hirgaliyey Xarumo loogu talo galay in wax ay ku bartaan Maxaabiista ku jirta. Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa hadda hela Waxbarasho isugu jirta diini iyo maaddi labadaba. Waxaa daruustaasi bixinayo Macalimiin Aqoon durugsan leh oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay horumarinayaan Goobaha waxbarasho ee Xabsiga dhexe ku yaala isagoo tilmaamay in ujeedadoodu ay tahay Maxbuuska markii uu Xabsiga ka soo baxo uu leeyahay Aqoon ama Xirfad uu ku shaqeysan karo.

Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheehk Maxamuud ayaa 8dii September 2016 warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u magacawday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Danjire Aden Hassan Aden. Madaxweynaha iyo Safiirka cusub ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka midyihin doorka Jabuuti ay ka geysatay la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, maadaama ciidamada Jabuuti ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Safiirka cusub ee Jabuuti Danjire Aaden Xasan Aaden ayaa xusay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhexeeya, isla markaana uu ku faraxsanyahay in Madaxweynaha Jabuuti uu u soo magacaabo Soomaaliya.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho –Somalia