DHAGEYSO:- Midowga Yurub oo Dowladda Soomaaliya u soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo Hay’adaha ammaanka

0

Midowga Yurub, ayaa wuxuu ka hadlay xaalada ammaan ee dalka Somaliya, caburin la sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay ku hayso Warbaahinta xorta ah iyo eedeymaha ku aadan in ciidamada Amisom ay geystaan falal kufsi ah.

Warbixin ka soo baxday Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa ugu horeyn waxaa looga hadlay xaalada ammaanka ee dalka Somaliya, waxaana lagu dhaleeceeyay kuwa qal-qalka ku haya Bulshada Somaliyed ee caasimada degan.

Si loo xaqiijiyo ammaan ku noolaanshaha rayidka ayaa Midowga Yurub waxa ay soo jeediyeen in dib u eegis dhab ah lagu sameeyo Hay’adaha qaabilsan dhanka ammaanka Dowladda Federalka Somaliya si loo xaqiijiyo yoolka ku aadan suggida ammaanka Bulshada.

Midowga Yurub waxa uu si gaaar ah Hogaamiyeyaasha Somaaliya usoo jeediyey inay hubiyaan xaqa dadka u leeyihiin inay cabiraan fikirkooda, iyaga oo ugu baaqay hoggaanka Somaliya in dib u eegis ku sameeyaan hay’adaha amniga Somaliya.

Sidoo kale Midowga Yurub, ayaa wuxuu ku baaqay in la baaro eedeymaha ku aadan in ciidamada Amisom ay geystaan falal kufsi ah, waxaana si gaar ah baaqaan loogu diray Midowga Afrika iyo Dowladaha ciidamada ay ka joogaan Somaliya.

Waxay sidoo kale u soo jeediyeen hay’adaha kale ee Midowga Yurub inay si dhow ula socdaan tacadiyada la sheegay in Somaaliya ay ka dhacaan.

Midowga Yurub Baarlamaankooda wuxuu ku taliyey in la kobciyo xirfadda hay’adaha baaritaaanka u qaabilsan Somaaliya, si baaritaano dhab  ah loogu helo kiisaska rayidka lagula kaco.

Hoos ka Dhageyso Codka:-