DHAGEYSO:- Kenya oo sheegatay inay dishay 33 Askar oo Al-Shabaab ka tirsan

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay labo howlgal oo ka dhacay gudaha Somaliya, islamarkaana ay fuliyeen ciidamada Kenya ee Amisom qaybta ka ah iyo Ciidanka Xooga dalka Somaliya in lagu dilay 33 dagaalamayaal oo Shabaab ka tirsan.

War ka soo baxay Ciidanka Kenya ayaa lagu sheegay in labada howlgal ay ka dhaceen Deegaano hoostagga Degmada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose maalintii Arbacada ee todobaadkii aan soo dhaafnay.

Howlgalka koowaad ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Goobweyn oo ku yaalo Duleedka Magaalada Kismaayo,, Kenya waxa ay sheegatay inay halkaasi ku dishay 25 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib markii dagaal ay isagala hor yimaadeen ciidamada Dowladda Kenya iyo kuwa Shabaab.

Saddex ka mid ah ragga la dilay ayaa waxa ay sheegeen Shabaabka inay u qaabilsanaayeen dhanka farsamada, waxaana ay ahaayeen Saraakiil sare sida ay sheegtay Dowladda Kenya.

Howlgalka kale ayeey sheegtay Kenya inuu ka dhacay deegaanka Wirkoy oo qiyaastii Magaalada Kismaayo u jira 40-KM waxaana ay Kenya sheegteen inay halkaasi ku dileen Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Majirto ilo ka madax Banaan war ka soo baxay ciidamada Kenya oo xaqiijinaya tirada ay sheeganayaan inay ku dileen dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada hoose ee Koonfurta Somaliya.

Al Shabaab iyo Amisom oo Somaliya ku dagaalama ayaa dagaalkooda hubka ka sokoow Warbaahinta waxa ay isku mariyaan hadalo barobogaando ah oo labada dhinacba ay sheegtaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-