Howlgalo Millatari oo ka socda deegaanada Jubooyinka

0

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaasi.

Howlgallo Milatari iyo dhaq dhaqaaqyo  ayaa laga soo  sheegayaa deegaanada Taabta , Qooqaani, Dhoobleey iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamo fara badan oo wata Gaadiidka dagaalka ay soo buux dhaafiyeen deegaanada Qooqaani. Taabto , Dhoobleey iyo degmada Afmadow kuwaas oo sida la sheegay ka muuqday diyaar garow howlgal Milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

Mid ka  mid ah Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in deegaanno hoostaga Jubbada Hoose ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan .

Dhawaan ayaa Al Shabaab waxa ay Dhoolatus Milatari ku soo bandhigeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe iyagoo ku hanjabay in ay duulaan ku yihiin Magalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

la soco Wixii soo kordha…