Donald Trump “Ilaalada Hillary Clinton hubka ha iska dhigaan ka dibna arka waxa dhaca, Adigaa yaabi doonee” !!..

0

Musharax Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ee tartanka doorashada dalka Maraykanka ayaa wajahaya dhaleecayn kaddib markii uu u muuqday in uu markii labaad tilmaamay sidii lagu khaarijin lahaa musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Mr Trump ayaa soo jeediyay in kooxaha ilaaliya ammaanka Mrs Clinton ay iska dhigaan hubka oo ay “arkaan waxa ku dhaca”. Waxa uu u sheegay taageerayaashiisa in haweenayda ay ishayaan ay doonayso “inay burburiso wax ka badelka labaad” – isagoo ula jeeday xuquuqda ay dadka Mareykanka u leeyihiin inay hub haystaan.

Taageerayaasha Hillary Clinton, ayaa cambaareeyay ninka ay isku hayaan doorashada madaxtinimada Mareykanka, Donald Trump, waxa ayna ku eedeeyeen “inuu dhiirigalinayo in dadka ay qalalaase sameeyaan”.

Maareeyaha ololaha Mrs Clinton, Robby Mook, ayaa sheegay in hadallada Trump ay yihiin kuwa aan la aqbali karin, ayna yihiin tusaalihii ugu dambeeyay ee kicinta iyo ku boorinta dadka falal qalalaase ah oo uu maalqabeenka baritaarayo.

Warkan ka soo yeeray Trump ee khilaafka cusub dhaliyay ayaa imanaya saacado kadib markii uu ka laabtay mowqifkiisii hore ee ahaa in Madaxweyne Obama uusan ku dhalan dalka Maraykanka.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in arrinka ku saabsan halka uu ku dhashay Obama ay markii horeba bilowday Hillary Clinton xilligii doorashada ay la tartamaysay Obama ee xisbiga Dimuqraadiga dhexdiisa.