DHAGEYSO+TOP NEWS:- Tarsan “Xasan Sheekh Xoog Ayuu Ku Joogaa Meesha, Mana Ahan Madaxweyne, Runtana u sheegay Shacabka Magaaladaasi”.

0

Musharaxa Madaxweyne ee Dalka Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta shalay gaartay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dano gaar ah ka wato dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha iminka uu yahay Mid sharci daro Kursiga ku fadhiyo oo aan Magacaabi Karin Xitaa Agaasime Guud.

Waxa uu xusay in Shacabka Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo quuri waayay in loo Madax banaaneeyo dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu si kulul kaga hadlay Safarkii Madaxweynaha ee Magaalada Jowhar iyo Hadaladii uu ka jeediyay Shirkii ka dhacay Magaalada Jowhar.

 

 

Hoos ka Dhageyso Codka:-