DHAGEYSO:- Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo go’aano soo saaray, Kuna dhawaaqay in aysan diyaar u ahayn..

0

Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin wax iska bedelay mowqifkooda ay ku diidan yihiin Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Jowhar ka furay wajigii labaad ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo mudo badan hakad uu ku jiray.

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socdo magaalada Jowhar in ay qeyb ka noqdaan.

Waxa uu sheegay in marka hore ay qorsheynayeen in shir dib u heshiisiin ah loo sameeyo Waxgaradka iyo Duubabka Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, balse taasi aysan dhicin oo horey laga guda galay wajiga labaad ee Shirka.

Xildhibaan Goodax ayaa sidoo kale sheegay in ay tashanayaan dadka kunool gobolka Hiiraan ayna maamul sameynsanayaan .

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeeda shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ee gogoshiiso ay taalo magaalada Jowhar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-