DHAGEYSO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Sheegay in ay Xalinayaan Colaada ka taagan deegaanka Ceelafweyn

0

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud oo gaaray deegaanka Ceelafweyn ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo joojin lahaa dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaankaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo nabadeyn lahaa deegaanada Somaliland iyo heshiisiinta beelaha Walaalaha ah.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka walaalaha ah ee dega deegaanada Somaliland isla markaana loogu baahan yahay iney ka shaqeeyaan Nabada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-