DHAGEYSO:- Kornayl Warfaa Sheekh Aden Oo Ka Warbixiyay Dagaalkii Ka Dhacay Degmada Ceel Waaq iyo Khasaarihii Ka Dhashay.

0

Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe weerar xooggan kusoo qaaday degmada Ceel Waaq ee gobolka Gedo , halkaasi oo ay gacanta ku hayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda ay ku leeyihin halkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Dagaalka uu qaatay mudo saacado ah, sidoo kalena uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa gudaha u galay degmada Ceel Waaq ee Gedo , sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan duleedka magaalada Ceel Waaq ee ka cararay dagaal ka qarxay degmadaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal kula wareegeen degmada Ceel Waaq ayna ciidamadoodo maamulaayaan goobihii ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Kornel Warfaa oo ka tirsan Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ee degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegeen in ay jiraan khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaliya.

Waxa uu sheegay in ay Al-Shabaab kusoo qaadeen dagaal xooggan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel Waaq.

Waxa uu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya aysan haysanin taageero Militari oo ay iska difaacikaraan ururka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayuu ku eedeeyay in ay dayaceen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq.

Hoos ka Dhageyso Codka:-