DHAGEYSO:- Somaliland oo ka soo horjeesatay cadaadis kaga yimid beesha Caalamka

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa horay u shaaciyay in la kala qaaday doorashooyinka ka dhacaaya deegaanada maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay ka dib markii uu la tashaday shacabka kunool deegaanada maamulka Somaliland in uu go’aansaday in la kala qaado doorashooyinka goleyaasha baarlamaanka iyo sidoo kale tan Madaxweynaha.

Waxaa go’aankaasi si weyn u cambaareeyay Beesha Caalamka oo ugu baaqay in Somaliland looga baahan yahay in ay ka laabtaan go’aankaasi.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin hadalada kasoo baxaya beesha Caalamka , waxaana uu sheegay in go’aanka Beesha Caalamka uu ka muhiimsan yahay midka madaxweynaha Somaliland.

Dowladda Britain ayaa sheegtay in beesha caalamku walaac ka qabaan go’aankii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku kala qaaday in mar la wada qabto doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanka oo hore loo qoondeeyay inay mar wada qabsoomaan horraanta sannadka dambe.

Hoos ka Dhageyso Codka:-