DHAGEYSO:- Shir Balaaran oo ka socda deegaan hoostaga Magaalada Laas Caanood

0

Odayaasha dhaqanka ee gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu shir balaaran ugu soconayaa deegaanka Higlada oo Magaalada Laas Caanood kaga began 33 KM.

Shirka ayaa waxaa loogu hadlaya Arrimaha Siyaasada ee deegaanada gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa loogu hadlaya sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Maamulada goboladaasi iyo Odayaasha dhaqanka.

Qaar ka mid ah Odayaasha ka qeyb galaya Shirka ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dadaalayaan midnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa hormarinta deegaanadaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-