DHAGEYSO:- Nabadoon C/Casiis oo ku dhawaaqay Arrin Lidi ku ah Maamulka Galmudug, kuna dhawaaqay Inuu taageerayo Puntland

0

Nabadoon C/Casiis Aw Yuusuf oo ka mid ah Nabadoonada Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aankii Maamulka Puntland ay ku Joojisay Gaadiidka soo geli jiray Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan in Puntland ay xerto Xadka ay la Wadaagto Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in amniga ay qeyb weyn ka qaadaneyso go’aanka Maamulka Puntland isla markaana sida uu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay iney sugto amaanka deegaanadeeda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-