DHAGEYSO:- Maamulka Magaalada Marko oo Banaanka soo dhigay Sir u qarsaneyd Maamulka Koofur galbeed

0

Guddoomiyaha Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose,Xasan Cumar Macallin,ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed ku eedeeyay dhibaatada ka jirta Gobolkaas iyo magaalada Xarunta u ah ee Marka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda iyo mas’uuliyiinta kaleba aysan xiriir la lahayn maamulka Magaalada Marka islamarkaana ay sheedda ka eeganayaa dhibaatada ka jirta Magaaladaasi.

Guddoomiye Xasan,ayaa sheegay in Wasaaraddu aanay xil iska saarin joojinta dagaallada beelaha ee ka dhaca magaalada sidoo kalena ay magaalada iyo gobolka intiisa kaleba ku badanayaan amni darrada waxna aysan ka qaban Wasaaradda.

Wasaaradda waxaa uu ku dhaliilay in aysan fulin ballamihii ay horay u qaadday oo ay ka mid ahayd in Ciidan gaar ah oo xaqiijiya amniga la geeyo magaalada Marka oo ay ku bateend agaallada sokeeye iyo dilalka qorsheysan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-