DHAGEYSO:- Maamulka Degmada Ceelwaaq Oo War Cusub Ka Sheegay Dagaalkii Ay La Galeen Falaagada Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo Ibraahin Guuleed Aadan ayaa ka hadlay Dagaal Shalay Al-shabaab ay kula Wareegeen Degmada Ceel-waaq.

Ibraahin Guuleed Aadan ayaa sheegay in Maanta ay si buuxda Magaalada u Maamulayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  islamarkaana ay Al-shabaab ka carareen Magaalada sida uu hadalka u dhifay.

Guddoomiye Ibraahin Guuleed Aadan ayaa intaa ku daray in Maanta ay Aasayaan Meydadka Askartii lagu dilay Dagaalka.

“6 Askari ayaa nooga dhimatay Dagaalka,Al-shabaabna waxaan gaarsiinay Khasaaro badan”ayuu yiri Ibraahin Guuleed Aadan.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in dagaalka Ciidamada Dowladda looga dilay illaa 12 Askari oo uu ku jiro Taliyihii Ciidamada Ceel-waaq Aadan Koronto.

 

 

Hoos ka Dhageyso Codka:-