DHAGEYSO:- Ciidanka dowladda oo dib u la Wareegay Degmada Ceel-Waaq iyo Al-Shabaab oo isaga Cararay

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneeyeen degmada Ceel-Waaq oo ay xalay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa muddo saacaddo ah ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe faarujiyay degmada Ceel-Waaq oo ay kala wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya muddo kooban.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii Ceel-Waaq Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya sidoo kale 4 askari, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray ciidanka dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-