Dabeylo ku dhuftay degmada Hobyo iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaaladaasi ay ku dhufteen dabeylo xooggan oo sameyn ku yeeshay dadka kunool degmada Hobyo oo mid ah magaalooyinka xeebaha ku yaalla.

Dabeylaha ayaa lagu soo waramaya in ay sameyn ku yeesheen dadka iyo duunyada kunool magaalada Hobyo sida ay sheegeen maamulka degmada Hobyo.

Dabeylaha ayaa burburiyay doomo ay lahaayeen ganacsatada kalluumeysiga degmada Hobyo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in ay soo wajahday xaalad aad u adag maadaam magaalada ay ka jirto biyo yari aad u baahsan.

Deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada hobyo ayaa dadka kunool  waxa ay bilaabeen in ay ka barakacaan ka dib markii ay soo wajahaday biyo la’aan xooggan