AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirarka ka socda Magaalada Jowhar

0

Shirka maamul  u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ka socda magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa la isku mari la’ yahay qeybsiga xildhibaanada baarlamaanka maamulka uu yeelanayo.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa ka codsatay duubabka dhaqanka inay qeybsadaan 71 xubnood oo ah xildhaanada baarlamaanka.

Kulamo isdabajoog ah oo ay duubabka dhaqanka yeelanayeen shalay iyo maanta ayay ku guuleysan waayeen inay qeybsadaan tirada xildhibaanada iyadoo qaar kamid ah duubabka dhaqanka ay diideen tirada beelaha lagu qeybsanayo xubnahan.

“Markii hore waxa beelaha labada gobol ahaayeen 24 beel balse hadda wasaarada ayaa gaarsiisay 30 beel mana aha mid suurtogal ah in si sahlan loo qeybsado tirada xubanaha baarlamaanka.”ayuu yiri mid kamid ah dadka ka qeybgalaya shirka duubabka dhaqanka ay yeelanayeen.

Waxaa magaalada Jowhar ka socda kulano kale oo gaar gaar ah kuwaasoo qaar kamid ah beelaha labada gobol ay ku doonayaan inay sameystaan isbahaysi si ay u helaan awooda dowlada.

Waxaa lagu wadaa in markale la isugu yimaado subaxnimada Axada kulan loogaga hadlay qaabka ugu macquulsan ee loo qeybsanayo tirada xubanaha baarlamaanka.

Shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa muddo ka badan sagaal bilood waxaa la isku mari la’ yahay sidii loo qeybsan lahaa xubnaha baarlamaanka iyadoo hore Wasaarada Arrimaha Gudaha qeybin ay sameysay ay ka biyo diideen inta badan beelaha dega labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.