Kumanaan Tahriibayaal ah oo la qabtay

0

Wararka inaga soo gaaraya Dalka Liibya ayaa waxa ay sheegayaan in kumanaan Tahriibayaal ah lagu qabtay xeebaha Dalka Liibya, sida ay maanta baahisay warbaahinta Dalkaasi.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Liibiya, Martin Koler, ayaa wuxuu sheegay in Dalkaasi Liibya ay ku sugan yihiin Muhaajiriin tiradooda lagu sheegay 2,135 kun oo Qof, kuwaas oo doonayay in ay u Tahriibaan Dalka Talyaaniga.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibya Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Tahriibayaashan ay ku jiraan Dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo isugu jira Caruur, Haween iyo Wiilal Dhalinyaro ah.

Wuxuu sheegay Muxiyadiin Maxamed Kaalmooy Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibya in Dhalinyarada Soomaaliyeed Dalkooda dib loogu soo celin doono maadaama aysan heysan nolol wanaagsan oo ay ku noolaadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in aysan shaqo abuur u sameyn Dhalinyarada Soomaaliyeed xilliga ay dhameystaan waxbarashada Heerka Koowaad, waxaana Dhalinyarada Soomaaliyeed ee nafsadooda ku biimeeya Badda ujedkooda ugu weyn uu yahay sidii ay u heli lahaayeen nolol dhaanta mid ay ku heystaan Dalkooda.