DHAGEYSO:- Diyaaradihii Qaadka ee ka imaan jiray Kenya oo Maanta ka soo dagaya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Kadib markii Dowladaha Somaliya iyo Kenya shalay si rasmi ah ay isugu afgarteen in la qaado Xayiraadii la saaray qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya, ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa inay si caadi ah u yimaadaan Diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Ka hor inta aysan Dowladda Somaliya xayiraada saarin Diyaaradaha qaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya, subax waliba aroortii ayeey soo caga dhigan jireen Diyaaradaha qaadka ka keena Kenya.

Mid ka mid ah Shaqaalaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa Dhacdo.com wuxuu u sheegay in la sugaayo maanta inay yimaadaan Diyaaradahaasi.

Waxa uu sheegay saacadaha soo socda inay soo caga dhigan doonaan Diyaaradaha Kenya qaadka ka soo qaado, waxaana uu tilmaamay inuu jiro Diyaargarow badan oo ganacsatada qaadka ay sameynayaan.

Ku dhawaad 10 maalmood ayaan wax diyaarad ah oo qaad sida aysan ka soo degin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Magaalada Muqdisho soo gaaraayay qaad gaadiid iyo Doomo lagu soo geliyay.

Ganacsatada ka shaqeysta qaadka ayaa soo dhaweeyay tallaabada Dowladda Federalka Somaliya ay dib u ogolaatay in ganacsigii qaadka la bilaabo.

Hooyooyin badan ayaa nolol maalmeedka caruurtooda uu ku jiraa ka ganacsiga qaadka, inkastoo dhibaato xoogan lagala kulmo isticmaalka qaadka oo Bulshada qaybaheeda kala duwan uu saameyn xoogan ku leeyahay.

Dowladda Kenya ayaa maalin waliba waxa ay dhaqaale fara badan ka heshaa ka ganacsiga qaadka oo ah Maandooriye

Hoos ka Dhageyso Codka:-