TOP DHAGEYSO:- War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii IGAD

0

Maanta gelinkii dambe waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD oo markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shirkan ayaa waxaaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno ka socda South Sudan, iyadoo shirkan ay ka maqan yihiin Madaxweyanayaasha Jabuuti iyo Suudaan.

Qodobada looga hadlay shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

Shirkan oo ahaa midkii 28-aad ee IGAd ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ay isku raacaan Madaxdii shirkan ka qeyb gashay, iyadoo War-murtiyeedka ay saxaafada u aqrisay Wasiirada Arimaha Dibada Dalka kenya Aamina Maxamed.

HALKAAN KA DHAGEYSO