DAAWO: Maanta Iyo Sida Looga Ciiday Magaalada Caabudwaaq.

0

Dunida islaamka guud ahaan ayaa maanta siwayn ay ugu socoto u dabaaldaga munaasabada Ciidul Adxaa ayaa dadwweynaha kunool magaalada caabudwaaq si isku mid ah maanta u wada ciideen waxaana dadku aay ku kala tukadeen goobo kala duwan salaada Ciida
Barxada Xarunta Dawlada hoose oo maanta ay dad badani ku tukadeen Saalada Ciida ayaa waxaa kala qayb galayMaamulka degmada iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Dhexe iyo dawlad goboleedka galmudg.

Shiikh Faarax Mire Rooble oo kamid ah Culimada degmada ayaa Muslimiinta Gudanaysa waajibaadka Xajka Sanadka Alle ugu baryay in Nabadgalo ay acmaashooda ku soo dhamestaan waxaana dhinaca kale uu ugu baaqay Bulshada caabudwaaq inay ka fogaadaan waxyaabaha kala fogeynaya Midnimaddooda.

Xildhibaan Nuur Faaarax oo kamdi ahaa masuuliyiintii la tukaday shacabka Salaada ciida maanta ee ka tirsan baarlamaanka Dawlada Dhexe ee dalka ayaa Munaaabada ciida waxaa uu habmalyo udiray umada islaamka waxaana uu dhanka kale ku baaqay in laga hortao waxii carqalad ku ah Nabadgalyada.

Xildhibaan Dhagaweyne Cabdullaahi Warsame oo kamid ah Baarlamaanka galmudug ayaa dhankiina jeediyay Munaasabadaa Ciida dardaaran ku wajahan Bulshada Degmada.

Gudoomiyaha degmada caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi ayaa ugu dambayn ka hadlay Munaasabada Ciida ayaa ugu baqaaqey Dadka Degmada in In laga wada shaqeeyo nabadgalyada bulshaduna ay qaadatoi doorka ugu aadan hawshaasi.

 

 

Hoos Ka Daawo

Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq, Soomaaliya