DHAGEYSO:- QM oo ka Cabsi qabta dib u dhac ku yimaada Doorashada Soomaaliya mar kale, kana hadashay Shirka weli ka soconayo Muqdisho

0

Wakiilka QM u qaabilsan Xoghayaha Guud  Ee QM Mr Ban kii-moon  Arrimaha Soomaaliya Michel Kitting  oo Wareysi siiyay Idaacadda BBC ayaa ka hadlay Walaac QM ay ka qabto Doorashada Soomaliya ee Qorshuhu yahay in Dalka ay ka dhacdo Bisha October ee soo socota.

Michel Kitting ayaa sheegay in sida ay wax u socdana hadda ay u muuqato dib u dhac ku imaan kara mar kale Doorashada Soomaaliya Waqtigii loo qorsheeyay.

“Waxaa weli Muqdisho ku shirsan Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo isku dhagan kana shiraya Doorshada iyo sidii loo wajihi lahaa,waxaa jira Cabsho ka imaaneysa Odayaasha Beelaha iyo Somaliland,marka iima muuqato in Arrimahaas si fudud lagu xalin karo “ayuu yiri Danjire Michel Kitting.

Madaxtooayada Soomaaliya ayaa weli waxaa ka socda Shirka Hogaamiyaasha ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaran,waxaana jirta in weli ay isku haystaan Arrimo badan oo u baahan in xal laga gaaro si dalka ay Doorasho uga dhacdo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-