DHAGEYSO:- Hay’adda amniga Jubbaland oo War ka soo saaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Afhayeenka Ciidamada amaanka ee Maamulka Jubbaland Axmed Carab ayaa sheegay in ay sii laba jibaarayaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dagaalka Al-Shabaab meel loogu soo wada jeesto, isla markaana shacabka Jubbaland loogu baahan yahay iney la shaqeeyaan Ciidamada amaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-