Yaa leh masuuliyada Badbaadinta hantida Qaranka ee xiliga kala guurka..?!

0

Iyadoo waayo aragnimo laga qaadanayo dawladahii dalka soo maray laga soo bilaabo sanadkii 2000, Carte Jabuuti waxaa wanaag loo arkaa in habkii loogu dhaqmi jiray wax laga beddelo oo xukumada soo socota ee dalka loo dhisayo ay noqdaan dad tiro kooban oo leh aqoon iyo dad waayo-arag ah isla markaana bulshada dhaxdeeda sumacad fiican ku leh.

Tusaale ahaan, si markiiba aqristaha uu arki karo, labadii dawladood ee ugu dambeeyay oo ay kala hogaminayeen Cabdiweli Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdirashii Sharmarke oo iyada weli xilka haysa, xubnaha golaha wasiiradooda waxey tiradooda aheyd 55 xubnood iyo 66 xubnood oo u qaybsan sida soo socota:

a)-Cabdiweli Sheikh Axmed 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 5 wasiirul dawlo.
b)-Cumar Cabdirashiid Sharmarke 26 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo 14 wasiirro dawlo.
Soomaaliya dhaqaalaheeda guud iyo daqliga miisaaniyada xukumadda waqtiga la joogo, ma qaadi karaan Gole Wasiirro oo tiradooda intaas la egtahay.

Sidaas darteed waxaa fiican dawladaha mustaqbalka dalka loo dhisaayo in ay noqdaan kuwo aad u tiro kooban.

Wasiirro badan, Wasiir-ku-xigeeno iyo weliba Wasiiru dawlayaal ma muuqato baahi cad oo qarameed oo loo qabi karo waqtigaan oo lagu howlan yahay dib u dhisid iyo dib u habeyn lagu sameeyo heykalka dawladeed ee dalka.
Iska dhaaf wasiirrada qaarkoode waxaan laheyn shaqo ay qabtaan saacadaha waajibka ah shaqaale weynaha dawladda. Haddii shalay dawlad salbalaaran loo dhisayay si ay dadka iskaga wada arkaan Gole Shacab iyo Xukumad loo dhan yahay. Hadda waa laga soo gudbay waqtigii jabhadaha iyo dagaaladii sokeeye.

Qodobkaan inta aan laga bixin waxaa in leys xusuusiyo mudan arrimaha uu soo kordhiyay qaadasha habka Federaalka. Waa wax wanaagsan oo horumar leh in dalka lagu baahiyo isxukunka gobollada ha yeeshee ma habboona Gobollada oo la ogyahay inay gudahooda ka soo saari karin dhaqaale badan oo ay ku maamulaan dawlad-goboleed leh Wasiiro, Wasiirro Dawlad iyo Wasiir-ku-xigeenno tiro badan halka ay xoogga ka saari lahaayeen Agaasimeyaal aqoon u leh maamulka hawlaha dawladeed.

Dhaqaalaha Dalka.

Horumar iyo wax qabad kasta waxaa fure u ah dhaqaalaha uu dalka kasta leeyahay iyo dadaalka shacabkiisa.

Dalkeena dhaqaalahiisa wuxu ku dhisan yahay wax-soo-saarka xoolaha nool oo ay dhaqdaan beelaha reer guuraaga ah, beelaha beeraleyda dan yar ah iyo ganacsato aan raasumaal weyn laheyn. Xoolo dhaqatada waxey xoolahooda ka helaan hilib iyo caano ay ku noolaadan, waxeyna daqli lacageed oo la sheegi karo ka helaan watiyada Xajka oo xoolo badan ay dibedda iib geeyaan.

Dhinaca kale beeraleyda oo weli heerka wax- soo-saarkooda uu yahay mid aad u hooseya oo aan ka badneyn nolol maalmedkooda waxay intii sanooyin ah bilaabeen ka ganacsiga iyo dibed u dhoofinta dalagyo ay ka mid yihiin Sisin iyo Liimo aan weli aheyn heer buuran. Xoolaha iyo Dalagyada kor lagu soo sheegay, inkastoo ay milkiilayaashooda helin wax horumarin iyo taageero ah, haddana wax qabadkooda waa ilaha ugu muhiimsan ee waqtigan uu dhaqaaalaha dalka ka helo lacagta adag.

Qaybahaas waxaa soo raaca daqliga dalka ka soo gala dhinaca qurbajoogta Soomaaliyeed oo ah masaruufka ay qaraabadooda dalka joogo bil walba u soo diraan.

Badbaadinta Hantida Dawladda.

iyadoo xili kala guur ah lagu jiro haddana dalkeena wuxuu ka mid yahay dalalka soo-koraayo oo badanaaba lagu eedeeyo maamul xumo iyo xatooyo xoolo dadweyne haddaba si arrintaas looga gaashaanto waxa wanaagsan in daqliga dawladda ka soo galo canshuurta muwadaniinta laga qaado iyo kuwa laga helo dawladaha saaxibka la ah dalkeena, ay maamusho Qaybta Xisaabaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda (Ragioneria Generale)oo keli ah, loona sameeyo Hayad aqoon durugsan u leh habka baarista maaliyadda dowladeed. Hayadaas waa in ay leedahay awood ay si deg deg ah tilaabo shaciyeed uga qaadi karto wixii xatooyo iyo is dabamarin ah ee ku saabsan hantida qaranka.

Qodob aad u muhiin ah oo kale waxa ah in lacagaha daqli dawladda ama kuwo dawladdo saaxibo ah laga helay ay gacanta u galin wasiirro ama cid kale oo jeebka ku shubta ama xisaabo magacoda ku qoran oo ka furan Bankiga Dhexe, Bankiyada gaarka loo leeyahay ama shirkadaha Xawaaladaha kadibna u isticmalaan danahooda gaarka ah. Wasiirka shaqadiisa waa mid siyaasadeed, abaabul iyo isu dubaridka hawlaha wasaarrada uu madaxda ka yahay ee ma aha mid maamul lacageed

Ugu dambeyn Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee dalka qodobkiisa 111 lambarkiisa 1aad, wuxuu ka hadlaa Guddi hawshiisa tahay baarista iyo ka hortagga wixii Musu-maasuq ah ee ku saabsan qaybaha dawladda.

Sidoo kale Lambarrada 2aad ,3aad, 4aad,5aad, iyo 6aad waxey si cad ay ugu hadlayaan cid kasta oo lagu helo dambiyo musuqmaasuq iyo xatooyo hantida dawladda,i.w.m in uu Guddiga xayiri karo, la wareegi karo hantidooda haddii lagu helo dambi ah xatooyo hanti dawladeed. Qodobka 6aad oo ugu dambeeya wuxuu qorayaa Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa inuu yahay hayad madax banaan oo dhaxdhexaad ah xubnaheedana ay ka badnaan 9 qof. Guddigaas haddii uu dhisan yahay shaqadiisana uu u fuliyo si Alle ka cabsi leh waxaan shaki ku jirin in dalka uu gaaroyo horumar dhinac walba ah.

Waxaa diyaariyey:- Maxamed Xuseen Amin
E.mail: maamiin01@Yahoo com.