XOG RASMI AH:- Madaxweyne Gaas oo labo go’aan midkood laga sugayo inuu ku dhawaaqo

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa loolan adag kala kulmay hogaamiyayaasha madasha Qaran, kadib markii ay kasoo horjeesteen tirada xubnaha aqalka sare ee dheeriga u ah Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa meel adag ka istaagay inay ku qancaan in Puntland looga tanaasulo xubnaha dheeriga ah ee madashu horey ugu meel marisay in loogu daro tirada xubnaha aqalka sare.

Maamulka Galmudug ayaa masha u cadeeyay inay doonayaan in Puntland lagasoo jaro xubnahaas saddexda ah ama in maamulada kale loogu kordhiyo tiro lamid ah kuwa Puntland ama in lalaalo dhismaha aqalka sare.

Madaxweynaha Konfiur galbeed ayaa isagana sidoo kale qaba in aqalka sare lagasaaro qorshaha doorashada islamarkaana lo daayo inay soo dhisto dowladda imaandoonto, si buu yiri looga gudbo khilaafkiisa joogtada ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku adkeystay in tirada Puntland loogu kordhiyay aqalka sare horey go’aan looga gaaray islamarkaana aan hadda loo baahnayn in arrimo lagasoo gudbay dib loogu laabto.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in gabi ahaanba meesha laga saarayo aqalka sare ee Soomaaliya haddii xal loo waayo muranka madaxda, waxaaana go’aan laga sugayaa madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isagana lagu dhagan yahay, iyadoo lagu haysto inuu dib u dhigo dhismaha maamulka Shabelada dhexe iyo Hiiraan, laakiin madaxweynuhu waa uu diidan yahay.