XOG: Maxaa Kala Socotaa Khilaafka U Dhaxeeya Cabdikariin Guuleed Iyo Xasan Sheekh.

0

Sida ay kusoo waramayaan illo xog ogaal ah madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa khilaafkii ka dhaxeeyay waxaa uu gaaray heerkii ugu darnaa waxaana lasoo warinayaa in dagaal hoose uu ka dhex bilawday.

Xogta waxay sheegaysaa in Labadan mas’uul ay markii hore isku khilaafeen arrinta ku aadan Labada xubin ee aqalka sare loogu daray maamulka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa rag uu ka mid yahay Faarax C/qaadir usoo diray Xasan Sheekh si loo xalliyo waxyaabaha jira, hase ahaatee Guuleed ayaa la tilmaamay inuu sheegay inta xubnahaasi jiraan aanu la kulmeyn Xasan Sheekh waliba si gaar ah.

Madaxweynaha ayaa isna sheegay in haddii xaajadu sidaa tahay uu xiriirkaba u jarayo Guuleed, islamarkaana aan laga dhaadhicin karin inuu la kulmo mar kale.

Isku soo wada duuboo Xaajada aad bay u qasan tahay, rag ka mid ah kooxda Damuljadiid waxay waddaa dadaal badan oo ay ku dooneyso inay ku xalliso khilaafkan xargaha goostay.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media