XOG CUSUB:- Shir Madaxeedkii IGAD oo dib u dhacay-Ogow Sababta

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya inuu Dib u dhacay Shir Madaxeedkii IGAD ee la filayay inuu 10-ka Bishaan uu ka furmo Magaalada Caasimadda Ah ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Shirku uu dib u dhacay Illaa 13-ka Bishaan,waxaana uu dib uga dhacay Mudadii hore Saddex Cisho.

Illaa iyo Hadda lama sheegin Sababta Dib loogu dhigay Shirka IGAD,iyadoo uu ku soo aadayo Xilli Dowladda Federaalka ay Joojisay Qaadkii ka imaan jiray Wadanka Kenya.

Shir Madaxeedka IGAD ee la filayo inu Muqdisho ka dhaco ayaa Qorshuhu yahay in ay ka qeyb galaan Madaxweyneyaasha Wadamada Jabuuti, Kenya,Suudaan,Uganda,Koofurta Suudaan iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalkiisu Shirka Marti galinayo.