WAR DEG DEG:- Sarkaal sare oo tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka oo Muqdisho lagu dilay

0

Allaha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex-contorol Afgooye Xalay lagu dilay Col. Geesey Cali Indhoole oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Guutada Sadexaad.

Dilka Col. ayaa la sheegay inuu geystay Askari ka mid ah Illaalada Col. Geesey oo uu Dilay.

Askarigii Dilka geystay ayaa lagu dhigay Gacanta,waxaana hadda ku socda Baaritaano lagu agaanayo Dilka uu u Geystay Illaahey ha u raxmadee Col Geesey Cali Indhoole sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Marar badan ayey dhacday in Askarta Illaalada u ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya sidaan lagu dilay Col. Geesey oo kale.