WAR DEG DEG:- Qaraxyo is xig xiga oo gilgilay Xaduuda Soomaaliya iyo Kenya iyo Xaalada oo kacsan

0

Wararka naga soo gaaraya Xaduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya ayaa sheegaya in ay ka dhaceen Labo Qarax oo Is xig xiga.

Qaraxyada ayaa ka dhacay Goob Ciidamada Kenya ay dadka ku baaraan oo ku taalla inta u dhaxaysa Magaalooyinka Baled-xaawo iyo Mandheera.

Illaa hadda lama Oga Khaasaraha ay sababeen Qaraxyada lala beegsaday Ciidamada Dowladda kenya ee Xaduuda jooga.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen Miinooyinka Meelaha Fag laga hago ee Remote Control-ka ah.